Axmed Madoobe oo sheegay inuu xalinayo dhibaatooyinka dhulalka

– Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay jirtay in xaafado cusub lagu soo kordhinayay Magaalada Kismaayo, ee xaraunta KMG Maamulka Jubaland ayaa waxaa arrintaas ka hadlay, markii ugu horeysay Madaxdeynaha Maamulkaasi.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in arrintan ay tahay wax loo baahan yahay, isagoona ku tilmaamay guul usoo hoyotay reer Jubaland.

Waxa uu tilmaamay in maamul ahaan ay garab taagan yihiin dadkaasi, ayna si aad ah ugu farxsan yihiin, dhismooyinka cusub ee kusoo kordhaya xaafadaha Magaalada Kismaayo, balse waxa uu carabka ku adkeeyay inay wax badan ka qaban doonaan isqabqabsiga la xiriira dhulka.

Axmed Madoobe ayaa dhanka kale waxa uu farta ku fiiqay in Maamulka Jubaland ay damaanad qaad buuxda ay siinayaan Qurba joogta ka soo jeeda degaanadaas, oo doonaya inay boosas ka iibsadaan degaanada Jubaland, oo uu sheegay in markii hore lagu sameyn jiray khiyaano sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Jubaland.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii dambe, bulshada degan Kismayo ay ka soo yeereysay cabasho badan oo ku aadan isqabqabsi la xiriirta dhulka.