Baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusuna oo la mideeyay (SAWIRRO)

Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug maanta waxaa ka dhacday Munaasabad lagu mideynayay Baarlamaanada Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna, taasi oo ka dhigan in la dhameystiray heshiiskii labadan dhinac ay horey ugu gaareen Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen, Wasiiro iyo xubno kale.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Galmudug awoodeeda ay dhameystirantay dadka dacaayada iyo been abuurka wadana ceebtoodii ay banaanka timid.

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhankiisa sheegay in Galmudug ay israacday hadda waxii ka dambeeyana loo baahan yahay in la iska xoreeyo cawadga Galmudug, wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay in wax qabadka uu badnaado, si loo gaaro horumaro.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle (Xaaf) oo Munaasabadda soo xiray ayaa sheegay in Galmudug ay guul gaartay, wuxuuna tilmaamay in uu dhaqan galay balanqaadkii ay sameeyeen isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, ee ahaa in Baarlamaanka Galmudug ay ku shaqeeyaan xaruntooda Cadaado.