Baarlamaanka DDSI oo ansixiyay Madaxweyne Mustafa Cagjar

Baarlamaanka maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u codeeyay Madaxweynaha cusub ee DDSi Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar), kadib kulan gelinkii dambe ee maanta ay ku yeesheen magaalada Jigjiga.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale kulankooda waxa ay ku ansixiyeen in xisbiga dhexe laga saaro 7 xubnood oo ka mid ahaa xisbiga, sida ay inoo sheegeen saraakiil ku dhaw kulanka.

Waxay kaloo Baarlamaanku sheegeen degmooyinkii iyo goboladii la magacaabay ilaa 1-dii August ay yihiin kuwo sharci daro ah, islamarkaana la doonayay in lagu burburiyo nidaamka dawliga ah, loogana soo horjeeday ammaanka.

Ugu dambeyn Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweyne Mustafa uu yahay xubin sare oo ka mid noqonaya xisbiga talada haya ee EPDRF oo ah kan haya talada Itoobiya.

Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Muxumed Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka soo kictamay magaalada Adis Ababa ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.