Baarlamaanka Galmudug oo kulan ku yeeshay Dhuusa-mareeb

0 248

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta kulanoodii ugu horeeyay ku yeeshay Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa 26-kii bishan lagu mideeyay Magaalada Dhuusa-mareeb, kadib Munaasabad halkaasi ka dhacday oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

Baarlamaanka la mideeyay ee Galmudug iyo Ahlusuna ayaa waxa ay tiro ahaan gaarayaan 178 xildhibaan waxaana ay maanta ka doodeen wax ka badalka Xeer hoosaadka Baarlamaanka, isbarashada Xildhibaanada labada dhinac iyo dib u eegista Dastuurka Galmudug.

Xildhibaan Maxamed Cabdulle ayaa warbaahinta uga waramay Kulanka ay maanta yeesheen.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa xilligan wixii ka dambeeya waxa ay ku shaqeyn doonaan Magaalada Cadaado ee xarunta Gobolka Galgaduud, maadaama heshiiska uu ahaa in kulamada Baarlamaanka lagu qabto Cadaado.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.