Banaanbax ka dhacay Beledweyne ka dib dil loo geystey Bajaajle

Sidda ay Radio baidoa u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka kunool Magaalada Beledweyne Banaabax ballaaran ayaa ka dhacay Bartamaha Magaalada Beledweyne.

Dibadbaxa ayaa yimid ka dib markii Askari ka tirsan Cidamada dowladda uu Bartamaha Magaalada uu ku dilay darawal Mooto Bajaaj.

Dadka Banaanbaxa sameynaya ayaa ah dad ka careysan dilka loo geystay ninka Mootaalaha ah, waxaana la sheegay in Askarigii dilka geystay aan la qaban.

Maamulka degmada iyo kan gobolka ayaa wadey dadaallo lagu daminaayo Banaanbaxa oo ahaa Mid xooggan oo rabshado wata.