Banaanbax ka dhacay Magaalada Kismaayo

Wararka Idaacadda Radio baidoa ay ka heleyso Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo banaanbax ay dhigayaan Shacabka Magaaladaas.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa ka xun dil xalay halkaasi loogu geystay Nabadoon Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada ugu caansan deegaannada Jubbaland.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay dalbanayaan in la cadeeyo, cadaaladana la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka, iyaga oo sheegay in dilkaasi uu yahay mid siyaasadeysan oo aysanb ka dambeyn Al-Shabaab.