Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo oo ka dhacay Jubbaland

Banaanbax looga horjeedo dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbadda Hoose.

Boqolaal ka mid ah dadka degaanka ayaa sameeyay banaanax ay ku taageerayaan Maamulka Jubbaland xilli ay xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Jubbaland.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay waxgaradka, Haweenka iyo Ardayda Iskuuladda.i

Dadka Banaanbaxa dhigaayay ayaa ku dhawaaqayay Farmaajo ha dhaco, dowladda Soomaaliya  waxa ay doonayso in ay burburiso Jubbaland.

Qaar ka mid ah dadka Banaabaxa dhigaayay waxa ay sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka dambeeyo banaabaxyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo Madaxweynaha Jubbaland looga soo horjeeday.