Baydhabo waxaa Maanta ka qabsoomey kulankii caadiga ahaa ee Agaasimiyaaasha guud wasaaradaha iyo Guddiga shaqaalaha rayidka ah,

Baydhabo waxaa Maanta ka qabsoomey kulankii caadiga ahaa ee Agaasimiyaaasha guud wasaaradaha iyo Guddiga shaqaalaha rayidka ah,

kulankan ayaa ah mid Sanadkiiba Labo jeer dhaca si la iskaga xog wareysto habsami usocodka shaqada Wasaaradaha, wixii horumaram ah Ee la sameeyey iyo hadii ay jiraan cilado dhanka shaqada ah.

Kulanka oo si rasmi ah u furey una Shirgudoomiyey Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah mudane Sharmarke Maxamed Kuulow ayaa ugu horeyntii waxaa warbixino laga dhageystey dhoor Hay’adood oo kala aha: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Caafimaadka iyo wasaaradda Waxbarashada.

Sidookale Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa Agaasimayaasha u jeediyey qorshaha kor u qaadista shaqaalaha Rayidka ah iyo qiimeynta Awoodooda shaqo.

Geba gabadii kulanka waxaa si rasmi ah usoo xirey Gudoomiye Sharmarke Maxamed kuulow asigoo aad ugu dheeraadey in masuuliyadda qof walbo kasaarantahay u adeegidda bulshada ay muhiim tahay in la iskula xisaabtamo, waxaa sidoo kale goobta Uu ku sheegey gudoomiyaha in kulanka xiga uu dhici doono Isbuuca ugu horeeya Bisha Luulyo 2021.