BBC MEDIA ACTION MAS,UULIYIIN KA SOCOTEY OO BAYDHABO SOO GAAREY

Maamulka iyo Mas,uuliyiinta Idaacadda Raadiyo baydhabo ayaa maanta Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay mas,uuliyiin ka socotay BBC Media Action oo uu hogaaminayey Maxamed Cabdi Gaas oo ah Madaxa ugu Sarreeya BBC Media Action ee Soomaaliya.
Waxaa kaloo qeyb ka ahaa Nasro Cabdirsaaq oo iyaduna qaar ka mid ah Shaqaalaha Raadiyo Baydhabo muddo ka soo wada shaqeeyeen Barnaamij lagu Magacaabi jirey Dhibcaha Nolosha ee ka bixi jirey Laanta Afka Soomaaliga ee BBC.
Agaasimaha Idaacadda Radio Baidoa Xassan Nuur Cali Hafow iyo sidoo kale Tafatiraha Idaacada Radio Baidoa Axmed Cabdulqaadir Yarow oo ku hadlayay Magaca Mas uuliyiinta Radio Baydhabo ayaa ku soo dhaweeyey Baydhabo Janaay iyo Radio baydhabo Xarunteeda shaqada.

Wafdigan ayaa waxaa ay ka koob naayeen 3 qof oo ay kala ahaayen 2 Haween ah oo mid ay ahayd Tanzanian, mida kalena Soomaali ah Wafdiga waxaa hogaaminaayey Madaxa ugu sareeya BBC Media Action ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Gaas