Beesha Caalamka oo G.X.KH ka dalbatay in ay faah faahiyaan 11-ka kursi

Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ethiopia, Midowga Yurub, IGAD ,Italy, Sweden, Ingariiska, iyo Mareykanka ayaa Guddiga Xalinta Khilaafaadka waxa ay ka dalbadeen in ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan 11-ka kursi ee ay diideen Doorashadooda.

War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa waxaa Guddiga Xalinta Khilaafaadka looga dalbaday in ay diiwaan sax ah oo dhameystiran ka bixiyaan kuraasta lagu muransan yahay.

Michael Keating Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee Dalka ayaa kala hadlay kuraasta 11-ka ah ee ay diideen Doorashadooda Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Warka Qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa waxaa loo kala diray xafiisyada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.