Beesha Caalamka oo markale Warsaxaafadeed ka soo saartey Somaaliya

Beesha caalamka ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay mar kale ku sheegayaan ahmiyadda ay leedahay in loo diyaar garoobo doorashooyinka Soomaaliya ka dhaca 2020/21.
Waxay dowladda federalka Soomaaliya sida wadajir ah ugu booriyeen in ay dalka ka qabato doorashooyin waqtigooda aan dhaafin oo lagu wada qanacsan yahay.
Waxay saaxiibada Soomaaliya ku baaqeen in la Ixtiraamko Dastuurka dalka, in doorashooyinka federaalka la qabto waqtigii loogu talo galay oo ah dhammaadka 2020 iyo horraanta 2021, iyada oo aan la kordhin muddada golaha Fulinta iyo golaha baarlamaanka.
Waxay sidoo kale ku baaqeen in la hubiyo matalaad caddaalad ah inay helaan bulshooyinka Soomaaliyeed islamarkaana ay si toos ah u doortaan wakiillalooda iyadoo la adeegsanayo “hal qof, hal cod.
Sidoo kale, in la door lasiiyo xisbiyada siyaasadeed ee doorashooyinka iyo in boqolkiiba 30% haweenku helaan mataalada Barlamaanka Federaalka.
Wada-hawlgalayaasha ayaa ugu baaqay golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka inay soo dhameystiraan ansixinta sharciga doorashada iyo sharciga xisbiyada siyaasadeed ee dib loo eegay dhamaadka sanadkaan 2019.
Waxay sidoo kale ugu baaqeen dhammaan qeybaha ay khuseyso iyo hay’adaha Soomaaliya in ay meel iska dhigaan kala duwanaanshahooda oo ay galaan wada hadal wax ku ool ah