Booliska Kenya oo Howlgallo ka wadda Xadka Baledxaawo iyo Mandera

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa howlgallo ka wadda Xadka ay wadaagaan degmooyinka Mandera iyo Baledxaawo oo ah labo degmo oo isa saaran.
Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaan uu socon doono, islamarkaana lagu xaqiijinaayo Ammaanka degmada Mandera.
Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka cabsi qabto in ay kasoo gudbaan Xadka degmada Baledxaawo.
Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka degmada Mandera ayaa u sheegay Idaacadda ka howlgasha Kenya in ay heleen Xoggo ku saabsan in Al-Shabaab ay ka qorsheynaayaan Weeraro ka dhan ah degmada Mandera.
Shacabka degmada Baledxaawo ayaa inta badan Cabasho ka muujinaayay howlgallada ay dowladda Kenya ka waddo Xadka labada Degmo.
Dowladda Kenya ayaa dhawaan lagu eedeeyay in ay doonayso dhul Balaarsi, islamarkaana ay qaadatay guryo badan oo soo xigay dhanka Baledxaawo.