SAWIRRO:-Bulshada Degmada Diinsoor oo Bogaadiyey Maamulkooda

Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa waxaa lagu qabtey Munaasabad aad u ballaaran oo lagu Taageereyay isla markaana lagu soo bandhigey Waxqabadka Guddomiyaha Degmada Diinsor ee Gobolka Baay ayaa lagu qabtey Degmadaasi.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galey Xubno ka tirsan Maamulka Degmada , Odayaasha Dhaqanka, Bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan.

Dhammaan ka qeybgalayaasha Munaasabadaasi ayaa Dhamaantood Amaaney waxqabadka Muuqda es Guddomiyaha Degmada Diinsor Maxamed Nuur (shigow) oo ay ugu horreeyaan Amniga.Maamul wanaaga iyo Adeegyada Aasaasiga ah ee ay Bulshada u baahantahay.

Gudoomiye Maxamed Nuur Shigshigow ayaa Maalmihii lasoo dhaafey Safar Shaqo ku joogey Beydhabo isagoona kaga Qeybgaley Shirka Wadatashiga Saddaxda Gobol ee ay ka koobantahay Koonfur Galbeed Gudoomiyaashooda iyo Gudoomiye Degmayaashooda ay ka  furtey Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Magaalada Baydhabo.

Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay waxaa ay 120Km ay kaga beegantahay Baydhabo dhanka  Koonfureed Waxaana ku sugan Ciidamo isugu jira kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Alshabaab ka Xureeyey Dhowr Sano kahor isla markaana ku dhabar adeegey Gacan kuheynta Degmadaasi.