Cali Guudlaawe “Ma Jirto Faragelin Ay Dowladda Somalia Ku Sameeysay Doorashadii Hirshabeelle”

Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka hadlay Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ee uu ku guuleystay.

Cali Guudlaawe oo khudbad kahor jeediyay Xildhibaanadii doortay ee Hirshabeelle ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Maanta loo doortay xilka Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle.

Waxaa uu sheegay Cali Guudlaawe inuu ku faraxsan yahay in lasoo Gaba-gabeeyay dadaalkii muddo dheer lasoo waday oo lagu soo dhisayay Maamulka Hirshabeelle, iyadoo aysan wax dhibaato iyo khilaaf midna dhicin.

Madaxweynaha Cusub ayaa u mahadceliyay dhammaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka ee xilka Madaxweynaha u doortay iyo Odayaasha dhaqanka ka qeyb qaatay dadaakii loo soo galay dhismaha Maamulkaas.

Isaga oo sii hadlaayay Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayuu sheegay in Doorashada ka dhacday Magaalada Jowhar aysan wax lug ah ku yeelan dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ku dhacday wadatashi bulsho.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle u doortay inuu noqdo Cali Guudlaawe oo helay Codad gaaraya ilaa iyo 86 Cod, halka Musharixii la tartamay uu helay 13 Cod.