Chamberlain Oo La Filaayo Inuu Taam Unoqdo Kulanka LIverpool

chamberlain.jpg2

Xidiga kooxda Arsenal ee Alex Oxlade-Chamberlain ayaa diyaar u ah inuu kooxdiisa u ciyaaro kulanka Axda ee ay Gunners soo booqan doonto kooxda Liverpool.

Chamberlain ayuu markii hore shaki ku jiray inuu kulanka Anfield ciyaari karo kadib markii dhaawac looga saaray kulankii ay Arsenal guusha kaga gaadhay kooxda Newcastle United.Arsenal ayaa kalsooni wayn ku qabta inuu Chamberlain kulanka axada ciyaari karo. chamberlain

Arsenal ayaa xaalada Chamberlain qiimayn doonta inta kulankaas ka horaysa, Wenger ayaana ku kalsoon inuu Chamberlain iyo Mathieu Flamini khadka dhexe kuwa bilaabo. Lukas Podolski iyo Santi Cazorla ayayna u badan tahay inay ka ciyaaraan dhexda hore.

 

Arsenal ayaa kulankii ugu danbeeyay guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Newcastle United waxayna axada la ciyaaraysaa kooxda waqtigu ku adag yahay ee Liverpool. Liverpool ayaa kulankii Anfield ee xili ciyaareedkii hore 5:1 ku soo xasuuqday kooxda Arsene Wenger laakiin hadda xaalka Reds ayaan fiicnayn.