Ciidamada Amisom oo dad rayid ah ku laayey buula mareer

nisaApril 16 (Radio Baidoa)— Wararka ka imaanaya deegaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan AMISOM ay maanta ku dileen afar ruux oo shacab ahaa, kuwaasoo saarnaa gaari.

Ciidamada AMISOM ayaa rasaas huwiyay gaari yar oo nooca Suzuki ah oo ay la socdeen dadkan oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.

Afarta ruux ee ay dileen Ciidamada ayaa waxaa ku jirtay haweeney da’ aheyd oo xaalad caafimaad loogu soo waday magaalada Muqdisho, waxaana lala dilay gabar ay ayeeyo u aheyd.

Sidoo kale labada ruux ee kale ayaa ahaa Ganacsato laga yaqaanay deegaanka, waxaana magacyadooda lagu sheegay Daa’uud iyo Maxamuud Macalin.

Dadka deegaanka ee ka carooday falkan dilka ah ee ay geysteen Ciidamada AMISOM ayaa banaan bax ay uga soo horjeedeen AMISOM ka dhigay deegaanka Buulo Mareer.

Ma jirto markii u horeysay ee Ciidamada AMISOM ay dad rayid ah ku laayeen deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose, sanad ka hor ayay aheyd markii dad shacab oo isku qoys ahaa ku xasuuqeen magaalada Marka.