Ciidamada Badda ee Turkiga oo badbaadiyay tahriibayaal dooni la quustay.

Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Turkiga ayaa bad-baadiyay 31 ruux oo muhaajiriin ah kuwaasi oo dooni ay la socdeen kula quustay biyaha xili ay doonayeen iney gaaraan Jazeerad ku taala dalka Gariiga.

Kadib markii muhaajiriintaasi ay dhibaato badan la kulmen ayaa la sheegay iney qeylo dhaan dirsadeen, waxaana kadib ciidamada ilaalada xeebaha ee ku sugan Turkiga la sheegay iney goobta tageen ayna soo badbaadiyeen seddex ruux oo biyaha ku quusay.

 Waxaana 28-ka kale laga soo badbaadiyay iyaga oo saaran doonida quustay, xili ay doonida la socdeen.
 Muhaajiriintaasi oo si sharci daro doonayay iney ku galaan dalka Gariisa ayaa dhalashooda lagu kala sheegay Afghanistan iyo Iraq, waxaana la geeyay magaalada Bodrum ee dalka Turkiga.
Waxaa sidoo kale wararka ay sheegayaan in dadka muhaajiriinta ay ku jiraan dad kooban oo Soomaali ah.