Ciidamada Bare hiiraale oo kismaanyo gaaray

talisApril 13 (Radio Baidoa)— Ciidamadii uu hogaaminayay Col. Barre Hiiraale ayaa la geeyay magaalada Kismaayo, kadib markii ciidamadaas uu culeys uga yimid Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa tan iyo markii looga itaal roonaaday dagaalkii Kismaayo ayaa waxay saldhig ku lahaayeen deegaanka Goobweyn.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo gaarayay illaa boqol askari hubeysan lagu wareejiyay Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in ciidankan la dejiyay xero ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya.

Waxaa jiray muran u dhaxeyay Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ee ka wada tirsan AMISOM, kaasoo ku aadanaa Ciidamadan ka tirsanaa Barre Hiiraale qaabka lagu keenayo Kismaayo, iyadoo ugu dambeyn lagu wareejiyay Ciidamada Itoobiya.

Warar soo baxayay maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegayay in Al-Shabaab ay ku wargeliyeen Ciidamada Barre Hiiraale ee ku sugnaa duleedka Kismaayo inay isa soo dhiibaan iyaga iyo hubkooda.

Al-Shabaab ayaa ciidamadan weeraran tan iyo markii laga soo saaray Kismaayo, waxaana markii ay ka war heleen inuu dhacay heshiis la sheegay in ciidamadan ugu biirayaan Maamulka Jubbaland culeys saaray.