Ciidamada Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa Kacanta ku soo Dhigey Nin kii xalay walaalkiisa ku Diley Gudaha Magaalada Dhuusamreeb

Ciidamada Booliska Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen Nin xalay halkaasi ku dilay Walaalkiis ay wada dhasheen.

Ninka walaalkiis dilay oo lagu Magacaabo Faa’id Salaad Caraale ayaa dilka kadib Goobta ka baxsaday,hayeeshee Ciidamada Booliska dhuusamareeb ay gacanta ku dhigeen Ninkaas,isaga oo ku sugnaa qeybo kamid ah Xaafada uu dilka ka geystay ee Waaberi ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Raage Salaad Caraale,waxaana la sheegay in labada Nin uu soo kala dhex-galay khilaaf aan weli la shaacin waxa uu salka ku haayo.

Taliyaha Booliiska degmada Dhuusamareeb ahna Taliyaha Xasilinta Caasimada Gaashaanle C/llaahi Xassan Macallin ayaa sheegay inuu Xiran yahay Ninka dilka gaystay baaritaan ka dibna ay ka bixin doonaan Faahfaahin.

Sidoo kale taliyaha waxa uu sheegay in hadda uu socanayo Baaritaan kaas oo la xariira waxyaabaha keenay in Faa’id uu dilo Walaalkiis.