Ciidamada Dowlada iyo Alshabaab oo Ku Dagaalamey Deegaan Hoosyimaada Gobolka Jubada Hoose

Wararka ka imaanaya deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegayaan in Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigaay deegaankaas ku leeyihiin Ciidamo katirsan millateriga Soomaaliya,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkaas ay khasaaro ku gaarsiiyeen Ururka Al-Shabaab oo soo weeraray Fariisinka Ciidanka.

Cabdiraxmaan Macallin Maxamed oo ka mid ah maamulka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay iska caabiyeen Al-Shabaabkii soo weeraray, isagoo intaa ku daray in ay dileen Xubno iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab sida uu hadalka u dhigey.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda,kuwa Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa mararka qaar weeraro ka geysta Ururka Al-Shabaab.