Ciidamada dowlada iyo kuwa al-shabaab oo ku dagaalamay gobalka ShlHoose

Deegaano hoos yimaado gobalka shabeelada hoose ayaa habeenimadii xaley aheyd ka dhacay dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowlada fedarlka soomaliya iyo kuwa xarakada al-shabaab.

Waxaana wararku sheegayaan in dagaaladan habeenimadii xaley aheys  ay ka dhaceen deeganka Mareerey iyo tuulooyin hoos yimaada gbalka shabeelada hoose.

Gudomiye xigeenka degmada Afgooye Yuusug Morokow ayaa warbaahina la hadlay wuxuuna ka warbixiyey qaabka dagaalka uu dhacay.

Dagaalka ayaa saacado qaatey waxaana cabsi ballaran lasoo deristey dadka degan deegaan mareerey ee gobalka sheabelaha hoose walow gacan ku haynta deeganka mareerey ay dib ula waeergeen ciidamada dowlada.