Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay Xaafado ka tirsan Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay xalay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Bondheere ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo dad badan lagu qabtay.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen Xaafadaha u dhaxeeya Isgoyska Maana-booliyo ilaa Taalada Daljirka Daahsoon, waxana Ciidamada ay joojinayeen dadka wadooyinka maraya, iyaga oo qaarkood xiray.

Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga Caasimadda, isla markaana howlgallada sii socon doonaan.

Qaar kamid ah dadka ku nool xaafadaha howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay qaarkood xireen dad ay ka shakiyeen, kuwaas oo badankood la siidaayay halka qaar ay baaritaan ku socdaan.

Howlgalkan Ciidamada Booliska Soomaaliya ay xalay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Bondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli habeeno ka hor Ciidamada ay howlgal ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Wartanabada ee Gobolkan Banaadir.