Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Dhaq dhaqaayo ciidan kawada deegaanka Goof gaduud buurey oo shaley lagu dagaalamey

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan ayaa saakay ilaa xalay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan deegaanka Goof-Gaduud Buureey iyo tuulooyin ku dhow dhow halkaas oo shalay ay dagaal culus kula galeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagalkaas ayaa ka dambeeyey kadib markii Al-Shabaab ay deegaankaas weerar ku qaadeen,waxaana warar soo baxayay ay sheegayeen in Al-Shabaab ay muddo kooban la wareegeen deegaankaas.

Ciidamada ayaa lagu soo waramayaa iyaga oo wata gaadiidka dagaalka ay saakay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan deegaanka Goof-Gaduud,waxaana dad ku sugan deegaankaas ay sheegeen in baqdin ka qabaan in markale uu dagaal halkaasi ka dhaco.

War lagu baahiyey Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda ay ka hortageen weerar kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay ku dileen 20 ka tirsan Al-Shabaab.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay deagaalkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay ku dileen 11 kamid ah Askarta dowladda,sidoo kalana ay dileen taliye ku xigeenkii saldhigga Goofguduud Buureey oo lagu Magacaabi jirey Macallim Dhaayoow.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Goof-Gaduud Buureey ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka ay howlgallo ka wadaan deegaankaas iyo deegaannada ku dhow dhow.