Ciidamada Kenya iyo Alshabaab oo Dagaal ku dhex mareyey duleedka Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari.

Weerarkaan oo dhacay xalay Saqdhii Dhexe ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Xero Ciidamada Kenya ku leeyihin duleedka Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari.

Weerarka,kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhex-marey Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab,waxaana ka dhashay dagaalkaas khasaaro kala duwan.

Warar lagu daabacay Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay lawareegeen Xerada Ciidamada,isla markaana ay gubeen Qalab Cagaf cagafyo ah oo ay laheyd Shirkad Kenyan ah oo qaabilsan dhismaha.

Marka laga soo tago Warkana kasoo baxay Al-Shabaab,weli dhankooda wax faah faahin ah kaba bixin saraakiisha Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari,kaas oo ku aadan weerarka lagu qaaday Xero ay Ciidamadooda ku leeyihiin duleedka Magaalada Mandheera.