Ciidamada kenya iyo kuwa jubalan ayaa dhaq dhaqaaq ciidan kawada Gobolka Jubada Hoose

kiinyaApril 9 (Radio Baidoa)-Wararka laga helayo Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka KMG ah ee Juba iyo kuwa Kenya in ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Dhaqaaqyadan Ciidan ayaa Saaka waxey ka socdaan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Jubada Hoose, iyadoona Ciidamada Huwan ay qorsheenayaan in ay qaadaan howlgallo looga soo horjeedo Ururka Al Shabaab.

Ciidamadan oo wata dabaabaadka Dagaalka ayaa lagu arkayaa Degmada Afmadoow iyo Degaanada Dhoobley iyo Taabta oo ka wada tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Xoogaga Maamulka Jubaland iyo kuwa Kenya ayaa ka baxay fariisimo la sheegay in ay ka qaadayaan howlgallada la doonayo Al Shabaab looga saaro Gobolkaasi.

Sikastaba, Madaxda Maamulka KMG ah ee Jubaland ayaa shaaciyay in Ciidamada Huwanta ay qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.