Ciidamada Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidanka Kumaandooska Gorgor gaar ahaan ururka 7aad ee Guutada 18aad ayaa howgal qosheysan oo ka dhan ahaa Uturka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen Tuulooyin hoostaga Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa ah mid qorsheysan oo ay ciidamada ku bartilmaameedsanayeen fariisimo Al-Shabaab ay ku lahaayeen tuulooyinka Buulo Xaanshi, Ceelsaniini, iyo Buulo cadeey oo ka wada tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay ciidamada la sheegay inay ku bur buriyeen fariisimada Al-Shabaab, isla markaana ay ka sameeyeen howlgallo amni xaqiijin ah.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay inb Dadka ku nool tuulooyinka ay ciidamada howlgallada ka sameeyeen ay si aad ah u soo dhaweeyeen sida ay ciidamada xoogga uga dulqaadeen Al-Shabaab.

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa dhowr jeer waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.