Ciidamada Liyuu booliis oo dilay 31 ruux oo Oromo ah

Sida uu xaqiijiyay Masuul ka tirsan Dawlad degaanka Oromada 31 ruux oo Oromo ah ayaa la dilay ka dib markii ciidamada gaarka ah ee degaanka Soomaalida ee Liyuu Booliis ay rasaas ku fureen dad shacab ah subaxnimadii Axadda.

Arrintaas ayaa ka dhacday xadka gobollada Oromada iyo Soomaalida.

Waxaa uu sheegay Mas’uulkaasi in Dadka dhintay ay ku jiraan carruur iyo waayeel.

Sidoo kale dadka dhintay ayaa la xaqiijiyay in shan ka mid ah ay yihiin dumar.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka ciidammada Liyuu Booliiska ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.