Ciidamada Nabad Sugida oo Wada howlgal ay kusoo qab qabteen hub iyo Dhalinyaro la tuhmayo in Al-Shabaab yihiin

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa xalay ilaa saaka waxa ay howlgalo saf balaaran ah ka wadaan xaafado kuyaala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Howlgalka Xoogiisa ayaa Ciidamada waxa ay saakay ka wadaan Deegaanka Ceelasha biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho , Howlgalka ayaana ah mid Ciidamada ay ku baarayaan guryaha ku yaala Deegaankaasi.

Saraakiil katirsan Hay’ada Nabad Sugida ayaa waxa ay sheegeen in Howlgalka uu wali yahay mid socda laguna baarayo xaafadaha kala duwan ee Ceelasha Biyaha halkaas oo lagu tuhmay in ay joogaan xubno katirsan Al-Shabaab.

Howlgalka Socda ayey Saraakiishu sheegeen in lagu soo qabtay hub iyo dhalinyaro lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab, kuwaa oo la filayo in la keeno xarumaha Nabad Sugida ku leedahay Muqdisho si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.