Ciidamada Puntland & Al- Shabaab oo dagaal ku dhexmaray Buuraleyda GOLIS

Saraakiisha ciidamada Puntland ee kusugan buuraleyda Golis ayaa sheegay in shalay galinkii dambe dagaal adag ay la galeen maleeshiyaad kamid ah kooxaha Argagixisada ah ee Al- Shabaab.

Saraakiishu waxay xaqiijiyeen in ay howlgalkan khaaska ah qaadeen ciidamada sidda gaarka ah u tababaran ee Puntland, kuwaas oo ay ku beegsadeen meelo ay joogeen horjoogayaal Shabaab ah.

Saraakiisha ciidamada qaar kamid ah ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen, iyadoo la hubo xogaha laga hayo goobtan ka weeraray.

Sidaas oo kale waxaa la xaqiijiyey in dagaalayaal kamid ah kooxda Al Shabaab lagu dilay dagaalkan, waxaana la sheegay In dib faahfaahin laga bixin doono.