Ciidamadii ku dagaalamay deegaanka Banyaale oo la kala qaaday

Maleeshiyaadkii maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayay deegaanka Banyaaley ee ka tirsan degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa la kala qaaday, iyadoo maanta ay bilaaban doonaan kulamo labo nabadeynayo labada beelood ee dagaalamay.

Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda labada beelood ayaa maanta kulan isugu imaanaya, si looga arrinsado colaada labada beelood u dhaxeysa

Xaalada deegaanka ayaa saaka degan, waxaana socda dadaalo lagu qaboojinayo xiisada ka dhex aloosan labada beelood.

Dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay deegaanka Banyaaley ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Dagaalada labada beelood ayaa salka ku hayay muran ka dhashay dhul daaqsin oo ay isku hayeen beelo wada dega deegaano ka tirsan Matabaan.