Ciidamadii weeraray guriga C/qaybdiid oo lagu baarayo xarunta Baarista NISA

Ciidamadii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Guriga Senator C/qaybdiid ayaa waxa ay ku xiran yihiin Xabsiga Baarista ee Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya ku leedahay Madaxtooyadda.

Saraakiil ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya ayaa inoo sheegay in ciidankaan baaris ay ku socoto, islamarkaana xalay ay ku hoyden xarunta Dambi Baarista Ciidanka NISA ee Madaxtooyada ku taal, si halkaasi loogu wareysto.

Ciidamada xiran ayaa tiradooda waxa ay gaaraysa 42 askari oo laba ka mid ah yihiin Saraakiishii horkaceysay hawlgalkii lagu galay hoyga C/qaybdiid ee ku yaallo Degmada HodanIllaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay ciidanka galay guriga C/qaybdiid, laakiin qaar ka mid ah askarta oo siyaabo kala duwan loo wareystay ayaa sheegayay inay ku qaldoomeen hoyga C/qaybdiid.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay in la baaro sababta ciidankan ka tirsan Militariga Somaliya qaybta ay tababaraan Imaaraadka Carabta ay ku galeen guriga C/qaybdiid.

Ciidamadan galay guriga C/qaybdiid oo ka tirsan kuwa ay tababaraan Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay u tababaran yihiin kumaandooska oo kale, waxaana ay qaataan mushaar ahaan dhaqaale fiican, iyaga oo fuliyay weerarada qorsheysan