Ciidammada Myanmar oo markii u horraysay qirtay in ay muslimiin laayeen

Ciidammada Myanmar ayaa markii u horraysay qirtay in ay ku luglahaayeen dilkii dhawaan loogaystay dadka Muslimiinta ah ee qawmiyadda Rohingya, arrintaasina ay ka dhacday gobolka Rakhine.

Milatarigu wuxuu sheegay in baaritaan uu sameeyay uu ku ogaaday in afar ka mid ah laamaha ammaanka ay ka qaybqaateen hawlgal 10 ruux lagu dilay oo ka dhacay tuulada Din oo u dhaw Maungdaw.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in afarta askari ay gacan siiyeen dadka tuulada si ay u qaadaan weerar aargoosi ahaa oo ka dhan ahaa wax ay ugu yeereen “Argagixisada Bengali”.

Myanmar ayaa lagu eedeeyay in ay hawlgallo isir sifayn ah ka wado gobolka Rakhine.

In kabadan 650,000 oo qawmiyadda Rohingya ah ayaa u baxsaday dalka ay dariska yihiin ee Bangladesh tan iyo markii ay rabshaduhu qarxeen bishii Agoosto, waxaana laga soo sheegay warar xannuun badan oo ay ka mid yihiin dil wadareedo, kufsi iyo jidhdil.

Milatariga oo gacan ka helaya kooxo deegaanka ah oo is abaabulay oo Buddhiste ah ayaa lagu eedeeyay in ay gubayaan tuulooyinka ayna weerarayaan oo dilayaan shacabka.