Ciidamo AMISOM Oo Gaaray Magaalada Muqdisho loona wado Baydhabo

AMISOM ayaa sheegtay in ciidan cusub oo boolis ah kuwaas oo ka yimi dalka Ghana ay Muqdisho gaareen.

Ciidankan oo qeyb ka ah booliska AMISOM ayaa waxaa la geyn doonaa sida wararku ay sheegayaan magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Ciidanka ayaa waxay qeyb ka qaadan doonaan sugidda amaanka doorashada Soomaaliya, iyaga oo ka barbar shaqeyn doona ciidanka Booliska Soomaaliya.