Ciidamo gaaray Degaano ay ka baxeen Al-Shabaab

Deeganada dhaca Galbeedka Gobolka Jubadda Hoose gaar ahaan Kaamjaroon iyo Buulaxaaji waxaa ka dhacay hawlgallo lagu xaqiijinayay ammaanka oo ay sameeyeen Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Al-Shabaab ayaa iskaga baxay deeganadaasi markii ay soo gaareen Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Ciidanka Jubbaland waxa ay sheegeen in ay fariisimo ay ka sameysteen degaanada ay ka baxeen Ururka Al-Shabaab, islamarkaana hadda ay ka waddaan howlgallo.

Ciidanka maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay howlgallo ka bilaabay degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan degaanada ay sheegeen Ciidanka dowladda in ay iskaga baxeen Al-Shabaab.