Ciidamo ka socda Milatariga Faderaalka oo la wareegay Jigjiga

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in saaka halkaasi lagu arkay Ciidamo ka socda dowladda Federaalka ee Itoobiya.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay yihiin Milatari, waxaana ay la wareegeen inta badan Xaafaddaha Magaalada Jigjiga.

Sidda uu Radio baidoa u sheegay qof ka mid ah dadka degaanka Ciidamada ayaa xalay saqdii dhexe soo galay Magaalada, waxaana ay la wareegeen xarumaha ciidamadda Liyuu Boolis , Baarlamaanka, Madaxtooyadda iyo meelo kale oo muhiim ah.

” Walaal Ciidankaan Saaka ayaan kusoo baraarugnay, iyaga oo heysta inta badan Wadooyinka Magaalada, gaadiid hubeysan ayay wataan” ayuu yiri qof ka mid ah dadka kunool Jigjiga.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay yihiin Ciidamadii Milatariga Itoobiya ee ku sugnaa Xuduudaha dalka Itoobiya.

Ciidankaan ayaa watta gaadiidka gaashaaman, waxaana lagu arkaya wadooyinka Magaalada Jigjiga.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa jiray rabshado ay waddeen qaar ka mid ah dadka kunool Magaalada, kuwaasoo kasoo horjeedda Maamulka Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo Ciidanka Liyuu Boolis.