Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka oo manta ku baxay Deegaan ku baxeen laba maleeshiyo beeleed ku Dagaalamaeen

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka gaar ahaan qeybta 27aad ayaa la sheegay inay Maanta ku baxeen laba maleeshiyo beeleed dagaal uu shalay ku dhex-marey deegaanka mareero oo hoostago degmada jawiil ee gobolka Hiiraan.

Labada Maleeshiyo Beelood oo isku heysto dhul deegaankaas ku yaalla ayaa dagaalkooda waxaa ku geeriyooday in ka badan Shan Ruux halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen,sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada dowladda ayaa saaka ku baxay degaanka mareero, iyada oo la filayo in saacadaha soo socda ay kala dhex-galaan labada maleeshiyoBeeleed oo weli isku hor-fadhiya deegaankii ay ku dagaalameen.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Jawiil kama hadlin dagaalka labada maleeshiyo Beeleed dhex-marey,hayeeshee qaar kamid ah waxgaradka degmadaas ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen inay wadaan waan waan ku aadan xalinta dagaalka.