Ciidamo lagu weeraray Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Koox hubeysan ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo maraayay bartamaha Boosaaso.

Kooxda hubeysan ayaa weerartay Ciidan uu watay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Canshuuraha Berriga Puntland.

Dableeyda hubaysan ayaa looga shakisan yahay, in ay ka tirsan yihiin Daacish Sidda ay sheegeen Hay’addaha Ammaanka maamulka Puntland.

Is-rasaasaynta dhexmartay sarkaalkaasi oo magaciisa lagu sheegay Cabdiweli Abshir Cabbaas iyo dableeyda hubaysan, waxaa ku dhintay hal ruux oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya, kaasi oo ku sugnaa meel aan ka fogayn halka weerarku ka dhacay.

Axaddii la soo dhaafay, laba askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland, ayaa lagu dilay bartamaha magaalada Boosaaso, kadib markii ay rasaas la beegsadeen dableey hubaysan, waxaana weerarkaasi mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Daacish.