Ciidan ka socdo Itoobiya oo lagu wado in la geeyo Magaalada Kismaayo

Ururka Midowga Afrika, ayaa ka fiirsanaaya in ciidan ka tirsan Militariga Itoobiya la geeyo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, si ay u buuxiyaan booska Ciidamada Sierra Leone, ee dalka isaga baxaaya. Sidoo kale Ururka Midowga Afrika, ayaa qorsheynaaya in ciidan dheeraad ah oo ka socdo Kenya la geeyo Magaalada Kismaayo. Haddii taa la heli waayana Kismaayo la gaarsiiyo ciidan isku dhaf ah oo ka kala socdo dalalka Itoobiya iyo Kenya. Madaxa Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ku waramaaya in la soo gaarsiiyay in ciidan ka kala socdo wadamada Kenya iyo Itoobiya, lagu bedeli doono Ciidanka Militariga Sierra Leone. “Waxaa la lee yahay ciidamo ka socdo Kenya iyo Itoobiya ayaa lagu soo bedelayaa Ciidamada Sierra Leone, laakiin hawshaasi waa mid u taalla qolada Midowga Afrika.” Ayuu yiri Axmed Madoobe. Axmed Madoobe, ayaa xafladdii lagu sagootinaayay Ciidanka Sierra Leone ka sheegay, inay soo dhaweynayaan ciidan kastaa oo bedel u noqdo Ciidamada Sierra Leone ee dalkooda dib ugu laabanaaya. Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya Amb. Maman S. Sidikou, ayaa wuxuu Khamiistii sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Magaalada Kismaayo ku gayn doonaan xoogagii bedeli lahaa Ciidamada Sierra Leone. Dowladda Somaliya, ayaa daneyneysa in ciidan isku dhaf ah la geeyo Magaalada Kismaayo, bedelkii ciidan dheeraad ah oo Kenya ka socdo ay bedeli lahaayeen Ciidamada Sierra Leoe, maadaama ay horey Kenya uga jooggeen ciidan kale.