Ciidanka AMSIOM Oo Muqdisho Ku Toogtay Nin Waday Gaari Dameer

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaro ka dhashay rasaas xoogan oo ay saakay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa AMSIOM, kadib markii qarax lagula eegtay meel ku dhow Isgoyska Fagax dhinaca xiga degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaadiid ay la socdeen Ciidanka AMSIOM, xili ay marayeen halka loo yaqaano Masaajidka Turkiga una dhow Isgoyska Fagax, kaasi jugtiisa siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan in rasaasta ay fureen Ciidanka AMISOM ku dhaawacmeen lix ruux oo rasaasta ay ugu tegtay guryahooda, isla markaana waxaa u geeriyootay haweeneyd kamid aheyd dadka deegaanka Kaaraan.
Sidoo kale Ciidanka AMISOM ayaa si bareer ah u toogtay Nin waday gaari Dameer oo xiliga qaraxu dhacayay mararay goobta, waxaana Meydka Ninka oo muddo yaallay halkaas markii dambe ka qaaday qaar kamid ah dadkii ku sugnaa Isgoyska Fagax.

Warar hordhac ah oo laga helayo ayaa sheegaya in qaraxaas uu khasaaro kasoo gaaray Ciidanka AMSIOM, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn inta uu la egyahay, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay baaritaano ka sameeyay Ciidanka dowladda Federaalka.

Qaraxaas ka dhacay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo shalay qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka Dugsida tababarka Jeneraal Kaahiye ee degmada Xamar-Jajab, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.