Ciidanka dowladda oo weeraray degaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor iyo Nabadsugida Soomaaliya ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen degaano ku yaal inta udhaxeysa Tuula-xaayow iyo Ceel-dheere oo jihada koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada oo ay wehlinayaan kuwa qeybta 21aad ayaa waxaa la sheegay in halka ay weerarka ku qaadeen ay ku sugnaaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka socda dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan qeybta 21aad ayaa sheegay in goobta ay weerareen ay isku aruusanayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana degaannadaas ay hadda kala wareegeen Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada ku yaal duleedka Koonfureed ee Magaalada Dhuusamarewb ayaa sheegaya in weli dagaalka uu socdo, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.