Ciidanka Itoobiya Ee qeybta ka ah Amisom Oo lasiisay Tababar la xiriira ilaalinta xuquuqda Aadanaha.

Howlgalka Ururka Midowga Afrika ayaa tababar ku saabsan ilaalinta shacabka & Xuquuqda Aadanaha siiyay Ciidamada Difaaca qaranka ee Itoobiya oo qayb ka ah howlgalka AMISOM gaar ahaan Askarta ku sugan DG Jubbaland.

War kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in tababarkaan uu qayb ka yahay aqoon kororsi muddooyinkii dambe ay siinayeen qaybaha kala duwan ee Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee Booliiska & Militariga.

Gloria Jaase oo ah sarkaalad AMISOM u qaabilsan kahortagga xadgudubyada Rayidka ayaa Askarta Itoobiya u sheegtay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta Haweenka, Carruurta & dadka jilicsan xiliyada colaadda

Jaase ayaa tilmaamtay in tababarkooda uu muhiim u yahay in askarta lagu baro ilaalinta shacabka & tacadiyada la xiriira dhanka Jinsiga si ay u qaataan mas’uuliyadda ka saaran wax ka qabashada ama kahortagga falalkaas.

Saraakiil kale oo ka socotay Booliiska AMISOM ayaa madasha ka sheegay in howlgallada nabad ilaalinta ay muhiim u yihiin in la raaco shuruucda loo dejiyay oo ah in la ilaaliyo dadka rayidka ah balse aanay ahayn in la dhibaateeyo.

Joshua Samuel oo ah u qaabilsanaha Booliiska AMISOM Xuquuqul-insaanka ee DG Jubbaland waxa uu bogaadiyay tababarkaan oo uu ku tilmaamay in uu howlgalka Midowga Afrika u iftiiminayo wax ka qabashada xadgudubyada.

Howlgalka AMISOM ayaa kordhiyay tababarada la xiriira kahortagga waxyeelada rayidka, kufsiga, askareynta carruurta & la howlgelidda Ciidamada Soomaalida.