Ciidanka xoogga oo Al Shabaab kala wareegay degaanno ka tirsan J/Hoose

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa hawlgal ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose kula wareegay degaano hoostaga degmada Jamaame oo ay gacanta ku hayeen Al Shabaab.

Hawlgaladan ayaa la sheegay in ay bilawdeen saaka aroortii hore kadib marii ciidamadu weerar qorsheysan ay ku qaadeen degaanna ku teetsan degmada Jamaame, iyagoo gacanta ku dhigey dhammaan degaannada hoosyimada degmadaasi.

Degaanada ay ciidamadu la wareegen waxaa ka mid ah Bangiini, Maana muufo iyo Koban oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

General Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo ah la taliyaha madaxweynaha Jubbaland ee dhanka ammaanka ayaa sharaxaad ka bixiyay hawlgalada ciidamadu ay ka fuliyeen degaanadaasi.

Wuxuuna sheegey khasaaraha dhankooda  soo gaaray dhaawac 2 Askari dhanka kalena uu sheegay, in 5 qof laga dilay mooto ay wateen  laga qabsaday, hoobiyeyaal ayey soo ridayeen  ayuu yiri Yuusuf Dhuumal.

Al Shabaab ayaa la sheegayaa in gabi ahaanba iskaga baxeen degmada Jamaame kadib markii ciidamadu ay labo jibaareen weeradada ka dhanka ah Al Shabaab taas oo keentay in ay iskaga baxaan guud ahaan degmada Jamaame iyo tuulooyinka hoostaga