Ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo Shabaab oo dagaalamay

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka magaalada Beledweyne Ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa maanta oo Jimco ah ku dagaalamay halkaasi.

Dagaalkan oo qaatay mudo saacado ah ayaa labadan dhinac waxa uu ku dhexmaray degaanka Gambarlaawe oo ku yaalla banaanka magaalada in ka badan 5-KM dhanka Koonfur ka xiga magaalada Beledweyne.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii xoogag ka tirsan ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin degaankaasi, halkaasina waxaa ku dhexmaray dagaal la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyay dagaalkan Ciidanka Dowladda ayaa looga dilay Hal Askari, sidoo kalna ay jiraan dhaawacyo dagaalkan ka dhashay, kuwaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka.

Website-yada Shabaab ayaa lagu baahiyay dagaalkaasi in Al-shabaab ay ku dileen Hal Askari, Shan kalena ay ku dhaawaceen, shabaab dhankooda ma aysan sheegin hadii khasaare uu soo gaaray.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka oo si kooban dagaalkan uga hadlay ayaa sheegay in ay iska difaaceen Shabaabkii weerarka soo qaaday, maadaama Ciidamada ay u diyaarsanaayeen hujuunka uga imaan karay Shabaab.

Ciidamo gurmad ah oo ka baxay magaalada Beledweyne ee xarunta Gboolka Hiiraan ayaa gaaray degaanka Gambarlaawe, kuwaasi oo isku fidiyay degaanka, sidoo kalena wada Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.