C/raxmaan C/Shakuur oo faahfaahiyay Weerarkii lagu qaaday iyo tilaabada xigta

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhawaan ay weerareen ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad Suggidda Soomaaliya ayaa maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay kusoo qaaday dagaal socday Muddo Nusaac ah , islamarkaana la xasuuqay dhammaan ilaaladiisa.
Waxaa uu xusay in la doonaayay in la dilo , isaga iyo sidoo kale Mas’uuliyiinta Xisbiga Wadajir.
Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in Weerarkii lagu soo qaaday ay si toos ah ula socdeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Dowladda Soomaaliya ayuu tilmaamay in Sharciga ay ku tahay Caqabadweyn, maadaama ay hadda cagajugleyn ku hayaan Maxkamadda dalka.
Cabdiraxmaan ayaa hoosta ka xariiqay in uu dacweyn doono , islamarkaana uu tilaabo ka qaadi doono Madaxda Sare ee dalka