Cristiano Ronaldo Oo Kaalinta 4aad Ka Soo Galay Liiska Dadka Ugu Caansan Dunida Ee Lacagta Ugu Badan Ay U Soo Xarootay & Leo Messi Oo 8aad Ku Jira

Xiddiga reer Portugal iyo Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta afaraad kaga dadka ugu caansan dunida ee dakhliga ugu badan uu u soo xarooday sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay baahisay shirkada dhaqaalaha ee Forbes.

Ronaldo oo dhawaan ka caawiyay Portugal inay ku guuleysato koobka Euro 2016 ayaa waxaa wadar ahaan soo gashay 88 milyan doolar oo isagu jirta mushahar iyo lacago ka soo galay xayaysiinada uu sameeyo, waxaana ay isku heer yihiin ninka reer Mareykan ee TV-yada ku caan baxay Dr. Phil McGraw.

Sida lagu sheegay warbixinta Forbes, Ronaldo oo 31 sanno jir ah ayaa 55 milyan doolar waxa uu ku helay mushahar ahaan halka lacagta inta soo hartay ay tahay lacago xayaysiin ah oo uu ka helay shirkadaha uu heshiisyada kula jiro sida Nike, Tag Heuer, Scoor Brothers iyo dhegaha muusika ee Monster.

Ronaldo ayaa liiskaan kaga sareeya Lionel Messi kaasoo noqday ninka sideedaad ee dakhliga ugu badan uu u soo xaroodo dadka ugu caansan dunida, waxaana soo gashay 81.5 milyan doolar.

Ninka seddexaad ee ugu qanisan isboortiga waa halyeeyga kubada Kolayga Lebron James kaasoo ay soo gashay 77 milyan doolar, halka fanaanada Taylor Swift ay tahay shaqsiga dhaqaalaha ugu badan uu u soo xarooday ee dadka ugu caansan dunida, waxaana u soo xarootay 170 milyan doolar.

Hobolada One Direction ($110m) iyo qoraaga Mareykanka James Patterson ($95m) ayaa kaliya ah dadka ka sareeya Ronaldo liiska Forbes.