CXD Oo Holgallo ka sameeyey Gobolka Bakool (SAWIRO)

Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Guutada 9aad qeybta 60-aad ee Gobolka bakool Waxa ay manta Howlgal Ka Sameeyeen Degaano ay Ku sugnaayeen Alshabaab Sida Farag huuyaley iyo abagbedey .

Howlgalka maanta Waxa Sameeyey Ururka 51aad Guutada 9aad Waxana horkacayay Taliyaha Guutada 9aad qeybta 60-aad ee Gobolka bakool Gaashanle dhexe Cali Ibrahim Isaak (Ali Xabad.

Howlgalkaan ayaa ahaa howl gal lagu sugayey Amniga deeganada hoos yimaada Degmada Xuddur iyo guud ahaan Gobalka Bakool.

Dhanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ururka 260aad Guutada 9aad qaybta 60aad ee ku Sugan Degmda Wajid Ee Gobolka Bokool Aya Howlgal ka Dhan ah Kooxda Nabadiidka Alshabab ka Sameeyey Tuuloyin Hoos Yimaada Degmda Wajid Ee Gobolka Bokool, intii Howlgalka socdey ayaa Ciidanka Burburiyeen Saldhigyo ay halkaas ku lahayeen Nabadiidka.

Howlgalkan ay Ciidanka ka sameeyeeen Deegaanada Gobolka Bakool ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo inta badan Deegaanada Gobolka Bakool ay go doon ku jiraan Deegaano badana ay ka jiraan Xaalad Bani,aadanimo oo aad u daran oo ay Baaqyo ka soo saareen masuuliyiinta Gobolka Bakool.