CXD Oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ururka 4 aad ee guutada 16 aad ee kumandooska Danab ayaa hawlgalo lagu burburinayo fariisimaha Al-Shabaab ka sameyeey Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose sidda lagu sheegay war kasoo baxay Taliska.

Deegaanka Leego oo hoos taga Degmada Walawayn una jira masaafo ahaan 50 km waxaa ay sheegeen Ciidanka Dowlada in ay burburiyeen fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen Shabaab.

Ciidanka Dowladda ayaa sheegay in goobta la burburiyay Shabaab ay ku qaadi jireen Canshuuraha.

Ciidamada kumaandooska Danab ayaa markii ay gaadheen halkaas ayaa waxa ay sameeyeen hawlgalo baaritaano.