CXD Oo sheegay inay dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen tuulooyin u dhow degaanka janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida Tuulooyinka Busleey iyo Buulo Aluundi.

Saraakiisha guutada 14-ka oktoobar xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida u sheegay in howlgalka ay ku dileen 7 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid Guri Guri loogu baarayay, in kastoo aysan jirin waxyaabo ay howlgalkaas ay kusoo qabteen oo ay soo bandhigeen.

Ugu dambeyn saraakiisha guutada 14-ka oktoobar xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada ay soo socon doonaan ilaa iyo inta tuulooyinka u dhow degaanka Janaale ay ka saarayaan Al-Shabaab.

Inta badan degmooyinka iyo degaannada Gobolka Shabeellahoose ayay Cidamada dowladda ka fuliyaan howlgallo kala duwan, hayeeshee mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.