Daacish oo sheegatay in Soomaaligii fuliyay weerarkii Brussels inuu ka mid ahaa askartooda

Kooxda Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkii habeenkii jimcaha ka dhacay magaalada Brussels, kaddib markii nin Faas ku hubeysan uu weeraray askar ka mid aheyd Belgium.

War lagu qoray Wakaalada wararka u faafisa Daacish oo lagu magacaabo Amaq ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah kooxdii fulisay weerarkaas uu ka mid ahaa askartooda.

Ma sheegin magaca ninkan, hase ahaatee Booliska Belgium ayaa goor sii horeysay sheegay in ninkan uu yahay Soomaali.

Ciidamada la dagaalanka argagixisada ayaa howl gal baaritaan ka sameeyay guriga uu degenaa ninkan oo ku yaala magaalada Bruge ee waqooyi galbeed dalka Belgium.

Ninkan Soomaaliga ayaa la sheegay inuu galay dalka Belgium sanadkii 2004, waxaana uu dhalashada dalkaas uu qaatay sanadkii 2015.

Booliska ayaa sheegay in ninkan aysan ka filaneyn inuu geysto falkaan, mana jirin aqoon ay horay u lahaayeen laamaha dambi baarista.

Soomaalida ku nool dalka Belgium ayaa walaac ka muujiyay dhacdadan, iyagoo sheegay inay saameyn ku yeelan karto.