Daacish oo sheegatay masuuliyadda ajaanib lagu dilay Boosaaso

Kooxda Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda toogasho xalay fiidkii ka dhacday xaafada Suwayta, aaga Dakada Boosaaso oo loo gaystay 4 qof oo Oromo ahaa, halka laba kalena dhaawac uu soo gaaray.

War kooban oo ka soo baxay kooxda Daacish ayaa waxa ay ku sheegteen dilka dadkaasi inay ka dambeeyeen, rag hubeysan oo kooxda ka tirsan, kuwaasi oo ay tilmaameen inay si nabad gelyo dilka kadib goobta uga baxsadeen.

Duqa degmada Boosaaso C/salaam Bashiir ayaa ayaa wuxuu xaqiijiyay raggii dilka geystay inay baxsadeen, balse ay jiraan baaritaan ay wadaan ciidamada ammaanka.

Labada qof ee dhaawaca uu soo gaaray rasaastana dableyda ku rideen ayaa waxaa xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa isbitaalka magaalada Boosaaso.

Dhalinyaro u badan rag iyo dumar u dhashay dalka Itoobiya ayaa waxa ay ku nool yihiin magaalada Boosaaso ee Puntland, kuwaasi oo ku nool duruufo aad u adag dhibaatooyina la kulma xilliyada qaar.

Dhalinyaradan ayaa ku tahriiba doonyo yar yar oo ay ugu kicitamaan xeebaha dalka Yemen, balse xilliyada qaarkood ayay ku rogmadaan badda marka ay isku dayaan tahriibka.